Jump to content

Category:Gabayada

Ka Wikipedia

gabaygu waa qayb kamida maansada waana miida ama laqanka ugu sareeya ee suugaanta soomaalida. umadda soomaliyeed waa umad aad ugu dheeraysa gabayga waayo waa shay hibo ah oo ilaahay ku manayistay umadda soomaaliyeed waxayna isugu gudbin jireen fariimaha sidaa daraadeed waxa ay taasi kaliftay in gabaygu ahaado shayga ugu mihiimsan umadda soomaliyeed dhexdeeda ee ay haysteen soomaalidu sidaa daraadeed ay aad ugu dheerayeen. Gabayga soomaligu waxa uu aad u ifbaxay qarniyadii todoba iyo tobnaad ilaa kii bilawgii qarnigii labaatanaad oo ay soo ifbaxeen abwaano aad caan ugu noqday taariikhda soomaalida sida muxumed xayd aflow, muxumed liibaan jadeer, İsmaaciil Mire, Cali dhuux Adan, Raage ugaas,ugaas nuur iyo sayid maxamed cabdile xasan iyo abwaano kaloo badan waxaanse ku tilmaami karnaa in abwaanadaasi ay ahaayeen kuwa sababay horumarka balaadhan ee uu helay gabayga soomaaligu qarniyadaasi.